4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 22, 2023
Weerar qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Maamulka gobolka Banaadir
 

Axad, January, 22, 2023 (HOL) - Qaraxyo aad u xoogan oo Ismiidaamin ah ayaa goordhaw laga maqlay jugtooda inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lasoo sheegayo iney ka dhaceen nawaaxiga xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxyadaan oo gaaraya ilaa sadax qarax ayaa la tilmaamaya in qaraxa koowaad uu ahaa mid ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta gobolka Banaadir, iyadoo labada qarax ee kalana ay ka dhaceen inta u dhaxeysa xarunta Dowladda Hoose iyo Suuqa Muqdisho Mall.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxyada kadib kooxo hubeysan ay gudaha u galeen xarunta maamulka gobolka oo laga maqlaayo rasaas xoogan, waxaana lasoo warinaya in gudaha xarunta ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah.

Ilaa hada si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada lagu weeraray xarunta gobolka Banaadir iyo rasaasta socota, waxaana haatan kusii qulqulaya halkaasi gaadiidka gurmadka deg dega ah.

Kooxda Al Shabab ayaana si deg deg ah hadda u sheegatay masuuliyada weerar ka dhex socda xarunta maamulka gobolka Banaadir oo qaraxyo Ismiidaamin ah ku bilaawday.

Wararkaan wixii kusoo kordha la soco.