4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2023
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay Dhaqtar been abuur ah oo Shabaab katirsanaa
 

Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Maxamed Cabdi Jiirow oo loo yaqaano Dr. Fanax oo katirsanaa Alshabaab.

Ninkaan oo Alshabaab u qaabilsanaa amniyaadka, ayaa ahaa dhaqtar been abuur ah, wuxuuna ku shaqeysan jiray inuu yahay dhaqtarka Neerfaha. Sidoo kale wuxuu haystay darajo ciidan oo been ah iyo kaarar aqoonsi oo hay’daha caalamiga ah.

Muuqaal laga duubay ayuu ku sheegayaa inuu wajiyadaas kala duwan u isticmaali jiray inuu ku qariyo kamid ahaanshihiisa Alshabaab iyo falalka uu geysto.

Maxkamadda ayuu ka qirtay inuu ku lug lahaa weeraro ay dad badani ku dhinteen.

Wuxuuu si gaar ah ugu lug lahaa weerar isqarxin ah oo lala eegtay ergadii doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi ee Muqdisho ku sugnayd.

Weerarkaas oo dhacay sannadkii hore ayuu ku sheegay wareysi lala yeeshay inuu ahaa ninkii hagayay ismii-daamiyaha isku qarxiyay ergada.

Waxaa lagasoo qabtay magaalada Baladweyne sanadkii hore kadib doorashadii madaxweynaha, ka gadaal markii uu iska dhigay gaashaanle Militari ah.