4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2023
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo Alshabaab ka xoreeyay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud
 

Isniin, January, 16, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa Alshabaab ka xoreeyey deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud, sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Galcad ayaa katirsanayd deegaannada Shabaabku muddo dheer ka talin jireen, waxayna jihada koofureed ka xiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Galcad oo ah deegaan istiraatiiji ah ayaa la wareegitaankiisa waxay dhabar jab ku tahay kooxda Alshabaab, kuwaas oo lixdii bilood ee ugu dambeeyay lumiyay dhulkii ugu baaxada weynaa tan iyo aas aaskoodii kaddib.

Lama oga inay ciidamada huwanta ah kula dagaalameen Alshabaab iyo in kale, hase ahaatee deegaankan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxay Alshabaab kala baxayeen hubkooda iyo saraakiishooda ciidanka.

Sidoo kale Alshabaab ayaa dadka ku qasbay inay ka barakacaan deegaankaan.

Howlgalka xoraynta Galmudug ayaa si xowli ah haatan uga socda bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ah ayaa dhowr jiho ka weeraray deegannada dhaca bariga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta gobolka Mudug.