4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2023
Xasan Sheikh: Dalka in la federaaleeyo macnaheedu ma ahan in qolo waliba meeshay rabto iska aadi karto
 

Arbaco, January, 11, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa si weyn u ilaalisay nidaamka federalaynta iyo dib u daadajinta dalka.

Hadalka madaxweynaha ayaa u muuqday mid looga jawaabayay eedayn dhawaan kasoo yeertay madaxweynaha Puntland oo sheegay in dowladda federalku ka shaqeynayso sidii dalka dib loogu celin lahaa nidaamkii uu ku burburay ee dowlad dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay, nidaamka federalka ee uu dalku rabo inuu yahay nidaam awood leh oo dalka isku haynaya.  Wuxuu sheegay inaan lagu qaldin nidaam dalku ku kala tagayo oo ay qolo waliba meel gooniya istaagi karto.

“Dalka in la federaaleeyo ma ahan in la kala tago oo qolo waliba meeshay rabto iska aadi karto. Jamhuuriyad federal ah ayaanu nahay. Wax walba oo taabanaya muwaadinka Soomaaliyeed, dowladda dhexaa masuul ka ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhinaca kale sheegay in aysan jirin dowlad goboleed ay dagaal kula jiraan. Wuxuu sheegay dowladdiisa inay diyaar u yihiin inay dowlad goboleedyada talada la gaaraan.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego inaan furanahay. Albaab noo xiran iyo qaddiyad noo gaar ah ma jirto. Soomaaliyada maanta joogta maxaa ku san ayaan ka hadlaynaa,” ayuu yiri Xasan Sheikh.

Hadalkan ayuu madaxweynaha ka sheegay furitaanka shirweynaha sanadlaha ah ee garsoorka Soomaaliya. Isagoo madaxweynuhu sheegay inay ka go’an tahay in kalsoobni la siiyo garsoorka dalka.