1/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2023
Mareykanka oo kordhiyey xaaladda degdegga ah ee Soomaaliya

Sabti, April, 8, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay xaaladda degdegga ah ee qaran ee ku saabsan Soomaaliya, sababo la xiriira amni-darrada ka jirta Soomaaliya.

"Xaaladda ku saabsan Soomaaliya waxay sii ahaanaysaa khatar aan caadi ahayn oo ka dhan ah amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka," ayuu Biden ku yiri hadal uu u jeediyay aqalka Congress-ka.

Falalkii joogtada ah ee burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya iyo xadgudubyada cunaqabateynta hubka ee uu saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horseeday in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran sanadku markuu ahaa 12-kii April, 2010.

Sannadkii 2012-kii, waxaa la qaaday tallaabooyin la xiriira dhoofinta dhuxusha, taasoo dhaqaale ballaaran ka soo geli jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku eedeysan ku takri-falka hantida dadweynaha Soomaaliyeed iyo falal ka dhan ah dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, iyadoo taageero ka heleysa dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ahayd go’aano dhowr ah oo uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu xafiiska la wareegay ballan qaaday in la dagaalanka Argagixisada uu udub dhexaad u noqon doono dadaallada lagu xasilinayo Afrika.