Hiiraan Online
1/13/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Apr 29, 2023
Isbitaalka Baledweyne oo lagu wareejiyay agab Caafimaad oo ka yimid Hay'adda Human Bridge ee dalka Swedan
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Hay'adda Human Bridge ee dalka Sweden ayaa Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaarsiisay kaalmo kala duwan oo uu u baahna Isbitaalka Baledweyne.
Qalabkaan Caafimaad ee lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Baledweyne ayaa isugu jira Kumbiyuutaro, Sariiro, Joodariyaal iyo agab kale Caafmaad oo muhiim ah.
Agaasimaha guud ee Isbitaalka magaalada Baledweyne Dr Saleebaan Cabdi Cali oo gudaha Isbitaalka kula wareegay agabkaan Caafimaad ee Hay'adda Human Bridge ee dalka Swedan ugu deeqeen Isbitaalka ayaa si weyn uga mahadceliyay kaalmadaan Caafimaad.
"Waxaa ina soo gaaray agab Caafmaad oo kala duwan oo uu Isbitaalka baahi weyn u qabay, kaasoo ina soo gaarsiyeen Hay'adda Human Bridge oo ku caan baxday in qalab caafimaad gaarsiiyaan dhammaan dalka Soomaalia" ayuu yiri agaasimaha.
Jaaliyadaha reer Hiiraan ee kala jooga Sweden iyo Mareykan ayaa iska kaashaday soo dhoofinta qalabkaas caafimaad.
Gabagabadii agabkaan muhiimka ah ee lasoo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Isbitaalka weyn ee Baledweyne uu wajahayay mudooyinkii dambe baahi la xariirta dhanka agabka Caafimaadka.
SIXITAAN:
Warbixintaan si qaldan ayaa horay loogu soo qoray Hiiraan Online, ayada oo Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden lagu sheegay in qalabkan caafimaad ay ugu deeqeen isbitaalka Beledweyne. Hiiraan Online marka ay u kuu gashay, waxaa u caddaatay in warbixintii hore aysan sax ahayn.