Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya oo kulan la qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa kulan fogaan-arag (Video Confernce) ah la qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo madax kale ee caan ka ah gobolka Hiiraan.
Danjiraha ayaa u gudbiyay taageerada Mareykanka ee howlgallada ka socda Hirshabeelle. Maraykanka ayaa kamid ah saaxiibada sida dhow uga qeyb qaatay dagaaladii Alshabaab looga saaray Hirshabelle.
Kulanka oo ahaa mid fogaan-arag ah ayaa kusoo aaday xilli Dowladda Maraykanka ay qorsheynayso inay ka qeyb qaadato wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta Hirshabeelle, iyadoo gobolka Hiiraan uu kamid yahay meelaha uu weli Shabaanku ku sugan yahay, gaar ahaan degaanada dhinaca galbeedka Hiiraan.
"Dagaalada cusub ee u dhexeeya beelaha wada dago gobolka Hiiraan ayaa ha dagaal ay wadaan kooxda al-Shabaab oo rabo in ay wiiqaan howl-galka wajiga labaad ee dagaalka al-Shabaab" ayuu yiri Danjire Larry
Danjire Larry André oo maalmaha soo socda xafiiska bannaynaya ayaa kulankan uu la qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan u muuqda mid sagootin ah, kadib muddo dhowr sano ah oo uu hoggaaminayay howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.