4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2023
Duqa Magaalada Muqdisho oo sharaxay qorshaha diiwaan gelinta Bajaajyada ka howlgala Muqdisho

Talaado, April, 25, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo kormeer ku tagay goobta lagu buufinaayo bajaajyada ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay kala saarista bajaajta ka howlgasha magaalada Muqdisho ee lagu kala buufinayo nambarada A iyo B.

Guddoomiye Madaale oo ayaa ugu horeyn beeniyay in warar laga faafiyay maamulka oo sheegayay in bajaajyada la buufinaayo laga qaadayo lacag fara badan oo xujo looga dhigayo dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta

“Waa been abuur wararka suuqa ku jira, warbaahinta horteeda ayey ka qireen dhalinyarada Mooto Bajaaj-ta in 150 Dollar aan laga qaadeyn markii loo buufinayo mootada, waxaana laga qaadaa 36 dollar, waana ogolyihiin inay dhiibaan" ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Wuxuu tilmaamay duqa Muqdisho in maamulka uu ku dadaal badan ku bixiyay in la yareeyo qiimaha lacagta laga qaadayo dhalinyarada Bajaajleyda ah ee lagu horgalinayo in la kala xakameeyo shaqada kumanaanka Mooto ee ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaan kormeeray goobihii aan u asteynay in mootooyinka lagu midabeeyo oo loo kala saaro A iyo B, oo ah go’aan ka soo baxay golaha wasiirrada, waxaana fulintiisa leh maamulka gobolka Banaadir, Maanta fulinta awaamiirta dowladda ayey Bajaajley saf dheer ugu jiraan, wixii soo kordha waan isla joognaa, waxaana ku dadaali doonaa inaan fududeyno wax kasta oo culeyska ka yareynaya, dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo sheegay inuu uga mahadcelinaayo dhalinyarada ku dhaqeysata Mooto Bajaajta, sida ay ugu hoggaansameen go’aanka kasoo baxay  dowladda ee lagu xakameynayo shaqada Mooto Bajaajta Muqdisho.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya, iyadoo aad ay u diidanaayeen go'aankaan dhalinyarada ku shaqeysata mooto Bajaajta, isla markaana ay ka banaanbaxeen in mootooyinka loo kala saaro A iyo B, taasoo ka dhigan in kooxda loogu buufinayo A ay shaqeysan doonaan hal maalin, halka maalinta kalana ay magaalada ka shaqeysan doonaan kooxda kale ee B loogu buufiyo.