4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 22, 2023
Alshabaab oo sheegay inay weerar kula wareegeen degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud

Sabti, April, 22, 2023 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa weeraray farriisin ciidanka dowladda iyo ku dib u xoraynta ku lahaayeen degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

War lagu daabacay boggaga internetka Alshabaab ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degaanka Masagawaa.

Alshabaab waxay sheegeen inay weerarka ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo saanad milatari.

Dhinaca kale, Warbaahinta dowladda ayaa sheegaysa in ciidamadu iska caabiyeen weerarka Alshabaab ay kusoo qaadeen fariisinka ciidanka ay ku leeyihiin degaanka Masagawaa.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarkan, waxayna dowladdu sheegtay in Alshabaab lagu jebiyay weerarka.

Waxaa la sheegay inay ciidanka dowladdu ka hortageen Qaraxyo lagusoo xiray dagaalamayaal katirsan Alshabaab, kuwaas oo isku dayay inay gudaha u galaan fariisinka ciidanka.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Alshabaab ay weerar kula wareegeen deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud kadib weerar ay ku qaadeen.

Taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya, Gen. Biixi ayaa maalmo ka hor sheegay in aysan dhicidoonin inay Shabaab mar dambe qabsadaan goobaha laga xoreeyay, isagoo sheegay in dowladdu yeelatay istaraatiijiyad lagu xoojiyay goobaha ciidanka.