4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2023
Faysal Cali Waraabe oo ciidamo beeleedyada Laascaanood gurmadka u yimid ku eedeeyay in ay dhibaatooyin gaysteen

Khamiis, April, 20, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa ciidamo beeleedyada gurmadka ku yimid magaalada Laascaanood ku eedeeyay in ay dil, kufsi iyo danbiyo kale ka gaysteen Laascaanood.

Faysal Cali Waraabe oo baahiyay muuqaal ku aadan hambalyada ciida, ayaa sheegay in ciidamo beeleedyada Puntland kasoo gurmaday ay dhibaatooyin gaysteen.

"Waad aragtaan 3 billood wax ka yar Laascaanood waxa laga soo sheegayo, wax cariga reer Somaliland ka dhacay maaha, khamri, kufsasho iyo dil ay dilayaan dadkii yidhi waan soo gurmanay" ayuu yidhi Waraabe.

Waraabe ayaa dhinaca kale ciidamada Somaliland ku amaanay in ay is xakameeyeen oo anay dhibaato gaysan, xili hay'adda Amnesty International sheegtay in millaterigu ay duqaymo aan kala sooc lahayn ka gaysteen magaalada Laascaanood.

"Waxan hambalyaynayaa ciidanka qaranka Somaliland ee inta iyaga oo lagu soo duulayo aan mar qudha duulin, ee doonayay in anay magaalada Laascaanood wax noqon" ayuu yidhi Waraabe.

Waraabe ayaa garaadada ka codsaday in ay ciidamo beeleedka Puntland ka yimid magaalada ka saaraan, isla markaana ay nabada ka shaqeeyaan oo ay shacabka qaxay dib usoo celiyaan.