4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2023
Dowladda Kenya oo sheegtay inay maalinta berrito tahay maalin ciid ah
 

Khamiis, April, 20, 2023 (HOL) - Kenya ayaa shacabkeeda u sheegtay inay maalinta berri ah tahay maalin Iid ah, xilli dalalka islaamku aysan weli isku raacin inay berito Iid tahay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, ayaa fasaxday dadweynaha Jimcaha berri ah, si ay xusaan ama ugu dabaal dagaan maalinta barakaysan ee Ciidul-Fidriga.

Islaamka ayaa ah diinta labaad ee ugu weyn dalka Kenya, taasoo ka dhigan in 10.9% dadka Kenya ay yihiin dad muslimiin ah.

Si kastaba ha ahaatee, berri ah oo jimco ah ayaa loo badinayaa in ay Iid tahay, iyadoo badi Ramadaanku ku dhamaado 29ka bisha.

Hase ahaatee, dalalka islaamka ayaan weli isku raacsanayn in berito Iid tahay, iyadoo ay ku xiran tahay natiijada aragtida bisha Shawwaal.

Dowladda Sacuudiga ayaa galabta isku diyaarinaysa raadinta Bisha Shawwaal, sida lagu yiri qoraal kooban oo lagusoo qoray bogga Xaramayn Sharifayn.