4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2023
Dowladda Soomaaliya oo iibinaysa 30 tan oo kalluun ah oo lagu qabtay shirkado ajnebi ah
 

Arbaco, April, 19, 2023 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta sheegtay inay iibinayso 30 tan oo kalluun ah, kaas oo kalluumaysato ajnabi ah ay sifo sharci darro ah ugala soo baxeen badda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in kalluunkan laga iibinayo shirkadaha Soomaaliyeed ee ka ganacsada kalluunka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Maxkamaddu waxay xustay in nuucyada kalluunka ay iibinayso yihiin, nuucyada loo yaqaano White Tuna iyo Daamberi.

Xafiiska xeer ilaaliyaha Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegay in 36 eedeysane oo ajnebi ah maxkamad la horgeeyay, kuwaas oo ku eedeysan inay kalluumaysi sharci darro ah ka wadeen badda Soomaaliya.

Ciidanka badda ayaa kalluumaysatadan ku qabtay 30 tan oo kalluun ah, waxaana lagala wareegay kalluunkii iyo doomihii ay ku jillaabanayeen, iyagoo loo gudbiya xabsiga.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa horey u sheegtay in doonyo kalluumeysi oo laga keenay dalal shisheeye ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayaan badda Soomaaliya.

Caddeymahaas ayay wasaaraddu sheegtay inay tilmaamayaan in maraakiibtaasi ay ka howlgalayeen Aagga dhaqaale ee gaar ah, (EEZ) tan iyo bishii Jannaayo 2023.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee dowladda Federaalka waxay xaqiijisay in dhammaan maraakiibta kalluumeysiga ay si sharci darro ah u maciinsanayeen, isla markaana aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan gelitaanka iyo shatiga kalluumeysiga oo ay ka haysteen dowladda Federaalka Soomaaliya.