4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2023
Gabar Kalkaaliso aheyd oo goordhaw loogu dilay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, April, 19, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafada Juungal ayaa sheegaya in koox burcad ah ay halkaasi ku dileen gabar dhalinyaro ah oo ka mid aheyd shaqaalaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Gabadha burcada hubeeysan ku dileen Xaafada Juungal ayaa magaceeda lagu sheegay Naciimo Cabdiraxmaan, taasoo Kalkaaliso ka aheyd Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Burcada hubeysan ayaa la sheegay in gabartaan Kalkaalisada aheyd iney u dileen taleefan ay wadatay oo ay doonayeen iney ka dhacaan, waxaana la sheegay in gabadha ay isku dhajisay taleefanka dabadeedna burcada ay xabado la dhaceen.

Kooxda dilka geystay oo la sheegay iney wateen Mooto bajaaj ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana dilka kadib goobta soo gaaray ciidamada amaanka, hayeeshee kuma aysan guuleesan iney soo qabtaan burcadii dilka geeysatay.

Dilka gabadhaan dhalinyarada ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe amaanka Muqdisho uu ahaa mid kasoo yara hagaagayay sidii hore, kadib markii amaanka Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo gaar ah oo si aad ah u tababaran.