4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2023
Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose
 

Arbaco, April, 19, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar ee ka howlgasha deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Uruka Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanada ay la wareegeen ciidanka Gorgor ayaa kala ah, Jowhar awdheegle, Ay-Buutey, Gumeysidiid, Kali caafimaad iyo Buulo-naagey, kuwaas oo kala hoostaga degmooyinka Awdheegle, Janaalle iyo deegaanka Nambar konton ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidan Gorgor gaar ahaan guutada 14-ka October oo la hadlay warbaahinta qaranka waxay sheegeen iney kusii daba jiraan firxadka kooxda Al-shabaab oo ay tilmaameen iney isaga carareen deegaanada ay kala wareegeen oo ah kuwa ku yaala dhul howd ah.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen iney burburiyeen Kontoroollo iyo Maxkamado ay shacabka ku baadi jireen kooxda Shabaab oo ay ku lahaayeen dhulka howdka ah ee gabaadka ugu jireen, islamarkaana ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay kula wareegayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maalmahii ugu dambeeyay Ururka Al-shabaab kala wareegay gacan ku heynta in ka badan 20 deegaan oo ku kala yaala gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose, xili gobolada qaar ay si rasmi ah uga bilaawdeen wajiga labaad ee howlgalada dalka looga ciribtiraayo Al-shabaab.