4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2022
Hogaamiyaha TPLf oo Warqad u diray Qaramada Midoobay
 

Jimco, September, 9, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha Kooxda TPLF Debretsion ayaa Qaramada Midoobey u diray Warqad uu ku dalbanayo in Qaramada Midoobey ay soo kala dhex gasho iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Warqadda Debretsion u diray Qaramada Midoobey oo ku taariikhsanayd 7, September 2022 ayuu kaga hadlay qodobo ay kamid yihiin xabbad joojin iyo in xal waara loo helo colaadda dhextaal iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Sidoo kale warqaddan ayaa waxa kale oo ku xusan sidii gargaar bini'adanimo loo gaadhsiin lahaa shacabka gobolka Tigray ee colaaddu saamaysay.

Waa markii labaad ee TPLF warqad noocan oo kale ah u gudbiso Qaramada Midoobey,  tan iyo intii uu dib u qarxay dagaalkan dambe ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF, iyagoo markaasna sidan oo kale cabasho ugu gudbistay Qaramada Midoobey.

Warqaddan dambe ayaa kusoo hagaagaysa xilli uu wali socdo dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF, oo haatan maraya meel adag sidoo kalena ku fiday meelo hor leh oo xitaa markan ay dagaalka qayb ka yihiin Ciidamada dalka Eritariya oo deris la ah gobolka Tigray.