4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2022
Kumaandooska Danab oo sheegay iney gacanta kusoo dhigeen Sarkaal miinooyinka u qaabilsana Al-shabaab
 

Khamiis, September, 8, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanada kala ah Yaaq Bishaar, Buulaxaaji, kanjaroon iyo Warta Biloow oo ah dhamaantood deegaano ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxay sheegeen iney kusoo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mudadii ay ciidanku wadeen howlgalada iney gacanta kuso dhigeen Sarkaal Al-shabaab u qaabilsana dhanka miinooyinka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Xasan Cabdullaahi Abshir.

Taliye Carab Dheeg ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay howlgalada ku dileen xubno ka mid ahaa dagaalanayaasha Al-shabaab, hayeeshee muusan sheegin tirada xubnaha ka tirsan Al-shabaab oo ay ciidanka howlgalada ku dileen.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale la sheegay iney dhulka kasoo saareen tiro miinooyin ah oo ku aasna wadooyinka loo maro deegaanada ay howlgalada ka sameeyeen ciidamada, waxaana Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad uu balan qaaday in howlgalada ay sii wadi doonaan ilaa ay ka saarayaan Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbada Hoose.