4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2022
UN: Hogaamiyayaasha Federaalka iyo maamul goboleedyada waa in ay si dhow uga shaqeeyaan hagaajinta dowladnimada iyo ka hortagga argagixisada
 

Khamiis, September, 8, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa  ku booriyay dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada in ay iska kaashadaan dagaalanka Alshabaab iyo wax ka qabashada dhibaatada bini'aadantinimo.

"Si fursadan looga faa'ideysto, mas'uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada waa in ay si dhow isula shaqeeyaan si loo gaaro yoolalka Dowladda cusub, oo ay ku jiraan ka hortago al-Shabaab, iyo ka jawaabidda degdegga ah ee dhibaatooyinka bini'aadanimo ee sii xumaanaya," ayuu yiri James Swan.

Mr. Swan ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliyeed inay fure u yihiin qorshaha kala guurka ah ee looga guurayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

"Waxaan ku celinayaa baahida loo qabo in dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ay si dhow isaga kaashadaan ka hortagga al-Shabaab, iyadoo ay hagayaan ballanqaadyada xuquuqda aadanaha ee heer gobol iyo heer caalami ee Soomaaliya," ayuu yiri Swan.

Marka loo eego xaaladda bini'aadantinimo ee dalka, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso masiibo bini'aadantinimo iyadoo qiyaastii 7.8 milyan oo Soomaali ah ku dhawaad kala bar dadka lagu qiyaaso dalka ay soo food saartay abaartii ugu xumayd ee ugu yaraan afartan sano soo jirtay, taasoo ay uga sii dartay xaaladaha cimilada.