4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2022
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in umadu ay diiday in ay doorato Faysal Cali Waraabe
 

Arbaco, September, 7, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, uu 3 jeer tartamay, umada Somaliland-na diiday in ay doorato.

"Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay 3 jeer ayaad tartantay, dadka umada reer Somaliland waxay yidhaahdeen kuma rabno, waxay ku yidhaahdeen kuma rabno, waxa muuqata in codkii lagu siin waayay, oo ay ku yidhaahdeen Faysalow gaar iskaga kaaya taag" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi marqudha oo uu tartamay la doortay, loona baahanyahay in uu Faysal iska daayo orodka badan "Madaxweyne Muuse Biixi hal mar ayuu istaagay 55% codka shacbiga Somaliland ayuu helay, waxa la yidhi dibiga hirdida badani madaxa ayuu u dhintaa".

Madaxda urrurka Waaberi oo kasoo jeeda gobolka Sool isla markaana uu Faysal weerar afka ah ku qaaday, ayuu ku dhirigaliyay in ay dadaalaan oo ay xisbi lasoo baxaan, isaga oo sheegay in anay cidna u daba fadhiyin in ay tartamaan.

Waxa uu sheegay in uu aaminsanyahay in madaxweyne Biixi uu Somaliland gaadhsiiyay halkii loogu talo galay, kuna wado, waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu ka talinayo wax wada lahaan shaha umada reer Somaliland.

Faysal iyo Koore ayaa ka qaybgalay xaflada qalinjabinta dufcadii 33aad ee ka baxda jaamacada gaarka loo leeyahay ee Gollis, halkaasi oo uu Faysal ku deedifeeyay howsha uu madaxweyne Biixi ugu jiro qabashada doorashada urrurada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]