4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2022
Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay magaalada Baraawe
 

Talaado, September, 6, 2022 (HOL) - Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyooday, 7 kale dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax miino oo maanta ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay Boosteejo laga raaco gaadiidka oo kutaalla bartamaha magaalada Baraawe, waxaana dadka waxyeeladdu soo gaartay ay u badan yihiin shacab.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waa goob aad u mashquul badan oo isku socodka iyo ganacsiyada ku badan yihiin, waxaana qaraxan sidoo kale ka dhashay burbur soo gaaray goobo ganacsi oo ka ag-dhawaa halku qaraxa ka dhacay.

Ururka Alshabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan falkaan, iyagoo horey qarax nuucaan ah uga geystay magaalada Afgooye, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 13 qof.

Qaraxaan ka dhacay Baraawe ayaa kusoo aaday xilli dowladda Soomaaliya waddo guluf ka dhan ah Alshabaab, iyadoo ciidamada qalabka sida ay haatan howlgallo ka fulinayaan gobolada Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe.