4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2022
Golaha Wakiilada Somaliland oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xubno ay hore u diideen
 

Talaado, September, 6, 2022 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 3-dii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka, xubnahan oo ay hore u diideen.

70 xildhibaan oo kasoo xaadiray kalfadhiga maanta ayaa dhamaantoodba gacanta u taagay Muuse Xasan Yuusuf, Axmed Cismaan Xasan iyo Axmed Yuusuf Maxamed, oo kamid noqon doona Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Hadaba, madaxweyne Biixi ayaa xubnahan golaha kusoo celiyay, iyadoo goluhu uu diiday in uu codka kalsoonida siiyo muddo laba bilood ka hor ah, xiligaas oo uu goluhu ansixiyay 4 kamid ah xubnaha guddida, kadibna uu galay fasax 2 bilood ah.

Kadib fasaxa labada bilood ah ee uu goluhu galay, xukuumada Somaliland ayaa in muddo ah ku eedaynaysay golaha wakiilada in ay ka caga jiidayaan dhamaystirka guddida doorashooyinka si loo amba qaado qabashada doorashooyinka madaxweynaha iyo urrurada.

Hadaba, soojeedintii guddida dhexdhexaadinta ee 25 August, ayay kamid ahayd in la ansixiyo xubnaha ka dhiman guddida si loo dedejiyo howlaha u diyaar garowga doorashooyinka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]