4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo digniin adag ujeedisay cid kasta oo looga yeero deegannada Alshabaab
 

Talaado, September, 6, 2022 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shacabka uga digay inay caddaalad u raadsadaan maxkamaddaha Shabaabku leeyihiin.

Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay ciidanka dowladdu cagta mariyeen maxkamaddii Shabaab ee Basra ee shabeellada dhexe, halkaas oo uu sheegay inay dadka ku dhibaatayn jireen oo ay ka qaadi jireen lacago baad ah.

Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa ugu baaqay cid kasta oo laga soo waco deegaannada Alshabaab inay laamaha amniga kusoo wargaliyaan. Wuxuu sheegay qofkii aada oo ay dowladdu ogaato inay iskugu mid yihiin isaga iyo Alshabaab.

“Waxaanu ognahay dad badan oo baabuurta ka kireeya Alshabaab, kuwa u adeega. Waxay noola mid yihiin kuwa dagaalamaya ee qoriga sita. Waxaan ugu baaqaynaa in Shabaab la iska celiyo meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Ugu dambayn wuxuu taliyuhu sheegay in howlgalkii shalay ciidamadu ka fuliyeen Basra uu kaga geeriyooday hal askari iyo dhaawaca mid kale. Wuxuu ku tilmaamay howlgalkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah oo ay kula wareegeen saldhiggii Shabaab dadka ku cabsi galin jireen.