4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2022
Qaramada Midoobay oo ka digtay Macluul ballaaran oo ka dhacda Soomaaliya
 

Talaado, September, 6, 2022 (HOL) - Isku duwaha gargaarka degdega ah ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa ka digay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul, taasoo uu sheegay inay wacan tahay abaartii ugu xumayd ee dalka soo marta afartan sano kadib.

Hal milyan iyo bar carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa wajihi doona nafaqo-xumo ba'an bisha soo socota, haddii xaaladdu ay sii socoto oo aan wax laga qaban, ayuu tiri Griffiths.

“Tobanaan sano oo colaado ah, barokac baahsan, arrimo dhaqaale oo ba'an ayaa dad badan ku riixaya inay qarka u saaran yihiin macaluul," ayuu ku yiri sarkaalkan katirsan QM. Wuxuu sheegay in abaartu u badan tahay inay sii socoto illaa ugu yaraan Maarso 2023.

Marka loo eego warbixinta falanqaynta haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta ee Soomaaliya, oo sidoo kale la sii daayay Isniintii shalay, ilaa 7.1 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo dhan, ayay abaartu aad u saameysay.

Dadkan waxay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, oo dhinacyo badan leh si loo daweeyo loogana hortago nafaqo-xumada ba'an loona yareeyo tirada sii socota ee dhimashada.