4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 5 , 2022
Al-shabaab oo shan ruux ku toogatay fagaare ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe
 

Isniin, September, 5, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in fagaare ku yaala degmadaasi ay Shalay galinkii dambe ku toogteen dagaalamayaasha Al-shabaab rag ay ku eedeeyeen iney ahayeen Jaajuusiin la shaqeynaayay dowladda Mareykanka.

Ragga Al-shabaab ay ku toogteen fagaaraha ku yaala degmada Jilib ayaa ahaa ilaa shan nin oo ay Shabaab ku sheegeen iney ka dambeeyeen duqeymo diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka mid ahaa dagaalyahanada Al-shabaab.

Shanta ruux ee toogashada ku fuliyeen Al-shabaab ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdi Isxaaq, Cali Maxamed Cabdi, Qadar Khaliif Yoonis, Xudeyfi Cabdirisaaq Xasan iyo Maxamed Bile Xasan, kuwaas oo ay Maxkamada Shabaab fagaaraha ka sheegtay inay qirteen falalka lagu eedeeyay ee ahaa Jaajuusnimo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-shabaab ku toogtaan fagaareyaal ku yaala deegaanada ay ka taliyaan dad ay ku eedeynayaan iney ahayeen kuwa la shaqeeyo, islamarkaana fududeeyo duqeymaha dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaanada ay ka taliyaan Al-shabaab.