4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2022
Madasha Wadatashiga ee amniga iyo badqabka suxufiyiinta oo Muqdisho laga furay iyo Wasiirka Amniga Soomaaliya oo si xoog leh uga hadlay amniga suxufiyiinta

 

Sabti, September, 3, 2022 (HOL) - Madasha Wadatashiga ee amniga iyo badqabka suxufiyiinta oo Muqdisho laga furay iyo Wasiirka Amniga Soomaaliya oo si xoog leh uga hadlay amniga suxufiyiinta

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Madasha Wadatashiga ee Amniga iyo Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo uu soo abaabulay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ si looga arrin sado amniga iyo badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed oo si joogta loo khatar geliyo.

Madashan oo soconaysa muddo 3 maalmood ah ayaa sidoo kale waxaa uu yahay kulan looga arrinsanayo wixii ka qabsoomay qorshe howleedka ay Qaramada Midoobay u dajisay in lagu difaaco isla markaana lagu dhowro badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed, kaasoo ah qorshe adduunka oo dhan laga hirgeliyay muddo laga joogo 10 sano.

Ugu horeyn madasha waxaa kusoo dhaweeyay ka qeyb galayaashada Guddoomiye ku Xigeenka urur NUSOJ Cabdi Aadan Guled oo sheegay inay tahay wax lagu farxo in maanta NUSOJ oo kaashaneysa Midowga Afrika iyo howlgalkiisa dalka Soomaaliya ay soo abaabulaan kulankan wadatashiga ah kaasoo looga hadlaayo amniga suxufiyiinta oo aan og nahay sida yahay wakhtigan la joogo.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo sharaxaya ujeedka madasha wadatashiga ayaa sheegay in ayadoo diirada la saarayo amniga iyo badqabka suxufiyiinta sidoo kale lagu turxaan bixinaayo wixii ka hirgalay Qorshaha Qaramada Midoobay ee Badbaadada Suxufiyiinta iyo bayaanka Midowga Afrika ee aamusinta qoryaha kasoo loola jeedo sidii loo joojin lahaa colaadaha ka dhan ah suxufiyiinta.

Maadaama arrimaha laga hadlayo ay yihiin amniga iyo badqabka suxufiyiinta ayaa madasha waxaa furay Wasiirka Amniga Gudaha Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe oo sheegay inuu aad ugu danqanayo dhibaatada soo gaartay suxufiyiinta Soomaaliyeed sanadihii lasoo dhaafay ayadoo la og yahay kaalinta ay saxaafada kaga jirto bulshada iyo horumarkeeda.

“Waxaan marnaba gor-gortan gali karin amniga suxufiyiinta iyo xoriyadooda. Dowlad ahaan waxaan rabnaa in suxufiyiinteena ay guriyahooda uga soo shaqo tagaan si nabad ah, ayna laabtaan ayagoo nabad qaba. Waxaad tihiin tiirka afaraad ee dal waliba. Marka mas’uuliyad gaar ah ayaa na saaran, waxaana ka shaqeyneynaa difaaciina. Idinkana waxaa la idinka rabaa inaad kasoo baxdaan mas’uuliyadiina oo aad shaqadiina u gudataan si madax-banaan oo xirfad wanaag ku jirto ayadoo la dhowrayo anshaxa saxaafada degsatay, una hiilinaya dadkiina” ayuu yiri Dr Doodishe oo la hadlaayay in ka badan 60 suxufi.



Wasiirka Amniga Gudaha ayaa intaa ku daray in talooyinka kasoo baxi doona madashan ay tixgelin siin doonaan oo ay ka qaadan doonaan wixii iyaga kaga soo aado maadaama ay dowladda xoogga saareyso amniga muwaadiniinta iyo badqabkooda.

Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay taageerada ay taageerayaan madashan, waxayna hoosta ka xariiqday in Midowga Afrika uu aad ugu murugoonayo dhibaatada lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Fiona Lortan waxay sheegtay bayaanka Midowga Afrika ee aamusinta qoryaha uu yahay mid ku haboon difaaca iyo badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan si loo helo Soomaaliya oo nabdoon.

Haweeneyda UNESCO u qaabilsan arrimaha isgaarsiinta iyo warfaafinta ee bariga Afrika Misako Ito ayaa si qoto dheer uga hadashay dadaalka ay ku bixineyso UNESCO sidii loo dhowri lahaa badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayadoo sheegtay inay NUSOJ si toos ah ay is kaashi u leeyihiin. Misako Ito waxay sidoo kale soo bandhigtay Qorshaha Qaramada Midoobay ee Badbaadada Suxufiyiinta iyo Soomaaliya ay uga faa’ideysan karto.

Madasha wadatashiga ayaa la filaa inay kasoo baxaan talooyin ku aadan sida loo dhowrayo amniga iyo badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed.