4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2022
Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda ku dhawaad 20 qof oo lagu dilay gobolka Hiiraan
 

Sabti, September, 3, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar lagu dilay in ka badan 15 qof iyo gubida 8 gaari oo lagu gubay deegaanka Afar-Irdood oo kuyaalla inta u dhaxeysa Maxaas iyo Baladweyne.

Ururka Alshabab ayaa saraakiil u hadlay waxay sheegeen in dadka ay dileen ahaayeen maleyshiyaadka Macaawisleyda ee dhawaan dagaalka kula galay gobolka Hiiraan.

Alshabaab waxay sheegeen gaadiidka ay gubeen inuu sahay raashin ah u siday macaawisley ku sugan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ayna jidka u galeen.

Waxay sheegeen inay 20 kamid ah macaawisleyda ku dileen howgalkaan ayna sidoo kale kula wareegeen raashin ah aan ahayn kuwa la gubay.

Dadka Alshabaab ay dileen ma hubaysnayn, waxaana warar lagasoo xigtay masuuliyiin dowladdeed iyo dad shacab ah ay sheegeen inay ahaayeen dad shacab ah oo raashin u waday degmada Maxaaas ee gobolka Hiiraan.