3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Muno Axlaa: Waxaan dacwad ka gudbiyay isbitaalka Yardemeli si aan caddaalad u helo
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Muna Xasan oo loo yaqaano Muno Axlaa, oo ah gabadh dhalliyaro ah oo arrimaha bulshada u dhaqdhaaqi jirtay, taasoo hadda dhibbane u ah waxyeello kasoo gaartay qalliin lagu sameeyay, ayaa dacwad ka gudbisay isbitaalka Yardemeli.

Muno oo hadda ku jirta isbitaalka Digfeer si ay ugasoo kabato dhibaatadii kasoo gaartay qalliin looga sameeyay calashooda, ayaa doonaysa in caddaaladda la horkeeno dhaqaatiir ajnebi ah oo ay ku eedeysay inay ku sameeyeen qalliin qaldan oo ay ku weyday xubno jirkeeda kamid ah.

"Dhibka aniga i gaaray wuxuu cashar u yahay, dad badan oo aan hadli karin, oo aan loo hadli karin, oo isbitaalada ku dhibaataysan, ama lagu dhibaateeyo. Qaddar ayaa ii geysay," ayay tidhi, Muno Axlaa oo saxaafadda kula hadlaysay iyadoo saaran sariirta bukaan jiifka.

Muno Axlaa waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay masuuliyad iska saarto sidii ay caddalaad ku heli lahayd. Waxay sheegtay inay qabsatay abuukaate u doodda.  

Soomaaliya, dad aan lagu sameyn tiro-koob ayaa sannad walba u geeriyooda dhibaatooyin caafimaad darro oo kasoo gaara adeegyada ay bixiyaan isbitaalada waawayn ee Muqdisho.













Click here
9/20/2022 1:07 PM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ururka ONLF ayaa sheegay inuu gabi ahaanba ka baxay ka qaybgalka shirkii wada tashi ee maalmo ka hor ku heshiiyeen xisbiyada degaanka in la qabto.

9/20/2022 11:19 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta kormeer ku tagay deegaano hoostaga degmada Buulaburte oo dhawaan laga saaray Al-shabaab.

9/20/2022 11:12 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiga Waddani ku eedaysay in aanu difaacin qaranimada Somaliland, waxayna soo jeedisay in baadhitaan lagu sameeyo sababta.

9/20/2022 8:36 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dagaal xoogan Al-shabaab ugala wareegay gacan ku heynta deegaanka Sinadhaqo oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

9/20/2022 8:16 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeeysay Somaliland daandaansi dagaal, kadib markii shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu tagay Tukaraq oo 70km u jirta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

9/20/2022 7:29 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Xildhibaano tirradooda ku sheegay 46 xildhibaan, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kasoo horjeestay, wax ka badalkii uu goluhu shalay ku sameeyay xeerka doorashooyinka.

9/20/2022 5:11 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan oo qiyaas ahaan magaalada Baledweyne kaga beegan dhanka Koonfureed ilaa 45 KM ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay goordhaw oo Maanta ah la wareegeen deegaankaasi.

9/20/2022 3:12 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana la sheegay in Xildhibaanka uu mudooyinkii dambe ku xanuunsanaayay gudaha magaalada Muqdisho.

9/20/2022 1:39 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay bixisay in ka badan 700 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka abaareed ee waxyeeleeyay ​​kala bar dadka Soomaaliyeed.

9/20/2022 1:25 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlgalo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen tuulooyinka Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.