3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Xildhibaano kasoo horjeestay go'aankii Golaha Wakiilada Somaliland ee shalay
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Xildhibaano tirradooda ku sheegay 46 xildhibaan, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kasoo horjeestay, wax ka badalkii uu goluhu shalay ku sameeyay xeerka doorashooyinka.

Xildhibaannada ayaa sharci jabin ku tilmaamay wax ka badalka uu shalay goluhu ku sameeyay xeerarka doorashooyinka, iyo meel marinta soojeedintii guddida ganacsatada.

"Dhacdadaasi waxay ahayd qayru-sharci, waliba qayru-sharci lagu tilmaami kari maayee waxan raad-raac sharci lahayn" Xildhibaan Mustafe Khayrre, oo kamid ah xildhibaannada kasoo horjeestay go'aankii shalay, ayaa sida warbaahinta u sheegay.

Waxa ay sheegeen in kooramka goluhu aanu buuxin markii shalay ansixintu dhacaysay, isla markaana ay 33 xildhibaan oo kali ahi fadhiyeen, sida si kasoo horjeeda, shirguddoonka ayaa sheegay in golaha ay fadhiyeen 52 xildhibaan.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in ay keeni doonaan mooshin kasoo horjeeda meel marintii shalay, iyaga oo ku hanjabay in xeerka wax ka badalka lagu sameeyay aanu gaadhi doonin golaha guurtida, oo ay cod ku hor istaagi doonaan.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Isniintii wax ka badal ku sameeyay xeerka doorashooyinka, isaga oo meel mariyay soojeedintii guddida ganacsatada  ee ahayd in la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/20/2022 1:07 PM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ururka ONLF ayaa sheegay inuu gabi ahaanba ka baxay ka qaybgalka shirkii wada tashi ee maalmo ka hor ku heshiiyeen xisbiyada degaanka in la qabto.

9/20/2022 11:19 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta kormeer ku tagay deegaano hoostaga degmada Buulaburte oo dhawaan laga saaray Al-shabaab.

9/20/2022 11:12 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiga Waddani ku eedaysay in aanu difaacin qaranimada Somaliland, waxayna soo jeedisay in baadhitaan lagu sameeyo sababta.

9/20/2022 9:03 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Muna Xasan oo loo yaqaano Muno Axlaa, oo ah gabadh dhalliyaro ah oo arrimaha bulshada u dhaqdhaaqi jirtay, taasoo hadda dhibbane u ah waxyeello kasoo gaartay qalliin lagu sameeyay, ayaa dacwad ka gudbisay isbitaalka Yardemeli.

9/20/2022 8:36 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dagaal xoogan Al-shabaab ugala wareegay gacan ku heynta deegaanka Sinadhaqo oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

9/20/2022 8:16 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeeysay Somaliland daandaansi dagaal, kadib markii shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu tagay Tukaraq oo 70km u jirta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

9/20/2022 5:11 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan oo qiyaas ahaan magaalada Baledweyne kaga beegan dhanka Koonfureed ilaa 45 KM ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay goordhaw oo Maanta ah la wareegeen deegaankaasi.

9/20/2022 3:12 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana la sheegay in Xildhibaanka uu mudooyinkii dambe ku xanuunsanaayay gudaha magaalada Muqdisho.

9/20/2022 1:39 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay bixisay in ka badan 700 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka abaareed ee waxyeeleeyay ​​kala bar dadka Soomaaliyeed.

9/20/2022 1:25 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlgalo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen tuulooyinka Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.