Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Waxaa sii korortay tirada dhimashada kooxda Al-Shabaab ee kasoo gaaray howgalka ciidamada dowladda iyo kuwa Macaawisleyda ka wadaan deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.
Taliyaha ciidamada xoogga, Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijyay in 75 kamid ah Alshabaab lagu dilay howlgalka Yasooman, sidoo kalana lagu qab qabtay tiro maxaabiis ah.
Howlgalka ayaa wali socda iyadoo ciidamada Xoogga Dalka ay ku sii siqayaan deegaano horleh oo Al Shabaab ay horay ugu sugnaayeen.
Saakaydii hore, wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in 45 katirsan Alshabaab lagu dilay Yasooman.
Dowladda Soomaaliya waxay soo bandhigay hub isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culus oo laga furtay alshabaab.
Dowladdu waxay sheegtay howlgalku inuu sii soconayo illaa Shabaab laga xoraynayo meelaha ay ku sugan yihiin.