4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh "Sax maahan in caruurta Soomaaliyeed qaar gaajo qalfoof la noqdaan, qaar kalana dhaqaatirtu yiraahdaan Cunnada halaga yareeyo"
 

Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u jeedinaayay khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo quseysa arrimaha Soomaaliya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka dalbaday iney garab istaagaan Walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ee abaartu saameysay.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in gobolada dalka Soomaaliya ay haatan ka jirto xaalad cuno la'aan iyo biyo la'aan ah, islamarkaana qarka u saaran yihiin dad badan oo Soomaaliyeed iney u geeriyoodaan gaajada iyo haraadka ay wajahayaan.

Wuxuu ku baaqay madaxweyne Xasan in qof walba oo Soomaali ah inuu bixiyo oo uu ku daro lacagta uu awoodo kaalmada loo aruurinaayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, isagoona xusay in muuqaalada qaar ka mid ah dadka ay abaartu saameysay uu is badelay jir ahaantooda sababo la xarira in ay waayeen waxay cunaan iyo waxay cabbaan ayna u baahan yihiin in loo fidiyo gacan walaaltinimo.

“Tiradiinu way badan tahay, hal hal dollar oo aad isku dartaan ayaa wax weyn ah, arrinta abaaraha waxa aan codsaneynaa in aad dib u fiirisaan waana fiirin jirteen, wax badan ayaa la idin ka rajeynayaa, Dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu hayaan haloo gurmado, Macquul ma ahan in ay Carruurta cunaan qado, quraac iyo Casho oo Dhaqaatiirtu qaar ay dhahaan cunnada halaga yareeyo oo miisaankooda ayaa kordhay kuwa kalena ay qalfoof u noqdaan cunno la’aan, sax ma ahan niyad ahaan” ayu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu rajeeynaayo in Soomaaliya ay ka baxdo xaaladaha adag oo ay ugu daran yihiin Amniga iyo abaarta soo noqnoqotay, taasina ay dedaal xoogan ugu jirto dowladdiisa sidii ay wax uga qaban laheyd.