3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2022
Dowladda Soomaaliay oo sheegtay inay burburisay shabakad katirsan Alshabaab oo abaabulaysay dilal iyo qaraxyo
 

Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgal ciidanka nabadsugida ka sameeyeen Waydow, Yaaqshiid iyo Heliwaa oo lagu soo qabtay 10 xubnood ka tirsan Al-Shabaab.

Waa howlgalkii u horreeyay noociisa oo guryo ay raggaas ku sugnaayeen oo ay ku heysteen hub iyo agabyo kale lagu soo qabto.

Raggan ayaa la shgeegay inay ahaayeen shakabad katirsan Alshabaab oo abaabulaysay dilal iyo qaraxyo ay ka fulin lahaayeen magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka Alshabaab, waxayna ugu baaqday cid kasta oo la marin habaabiyay inay kasoo laabtaan.













Click here
9/17/2022 8:42 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - In ka badan 30 dagaalame oo katirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

9/17/2022 8:18 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland, ayaa mamnuucay bacda madow ee lagu qariyo muraayadaha baabuurta, laydhka awooda badan ee baabuurta iyo hoonka dhawaqa dheer.

9/17/2022 6:37 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dhameystirka hannaanka deyn cafinta, kaddib wadahadal madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Bankiga Adduunka ku dhexmaray magaalada Washing DC.

9/17/2022 4:20 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Geeska Afrika.

9/17/2022 1:56 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Cagoole oo magaalada Baledweyne dhanka Koonfureed kaga beegan ilaa 45 KM ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino uu ku haleeyay gaari ay saarnayeen dad safar ahaa oo u badna Nabadoono.

9/17/2022 1:06 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Eritariya ayaa sheegaya in dowladda Eritariya ay u yeedhay ciidankeedii keydka ahaa ee da’doodu ka yar tahay 55 jir, si ay uga qayb galaan dagaalka ay Eritariya kula jirto kooxda TPLF, waxayna dowladda Eritariya ku amartay ciidamadaas keydka ahaa inay soo qaataan bustayaashooda iyo agabkii ay biyaha ku cabbayeen, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidanka ee u dhaw.