4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2022
Duqii hore ee Garowe oo sharci darro ku tilmaamay kala dirista golaha deegaanka Garowe
 

Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Duqii hore ee degmada Garowe Axmed Barre ayaa sharci darro ku tilmaamay go'aankii madaxweynaha Puntland uu ku kala diray golaha deegaanka ee Garowe, inkastoo uu aqbalay xil ka qaadistiisii.

Qoraal uu bartiisa facebooga soo dhigay ayuu wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxweyne Deni uu ku takrifal hantiyeed ku eedeeyo. Wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland isagu uu masuul ka yahay duruufaha Puntland haatan ka jira.

"Ma hamiyeyn, mana fileyn waana la yaabay in Madaxweyne Deni uu cid kale Ku takrifal hantiyeed ku eedeeyo iyadoo la ogyahay duruufaha Puntland ka jira iyo cidda gayeysiiyey. Xog badan oo jirta gadaal baan u dhigtay, waxaan idinla wadaagi doonaa xilliga ay ku haboonaato," ayuu yiri duqa xilka wareejinaya.

Axmed Barre wuxuu sheegay dhammaan qodobada ku qoran warqadda kala dirista golaha deegaanka ee Garoowe in si qaldan loo isticmaalay, " ayuu yiri.

Xalay ahayd markii madaxweynaha uu kala diray golaha deegaanka ee degmada Garowe isagoo guddoomiye cusub u magacaabay. Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa sidoo kale guddoomiyayaal u magacaabay degmooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa lagu eedeeyay in kala dirista golaha deegaanka Garowe uusan u marin hannaan sharci ah oo waafaqsan xeerka golayaasha deegaanka, kaasoo qeexaya siyaabaha lagu kala diri karo golaha deegaanka ee degmada Garowe.

Halkaan hoose ka akhriso xeerka sida uu dhigayo xeerka golaha deegaanka.