4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2022
Madaxweyne Biixi: Doorasho diyaar ayaan u ahay, wakhtiga ugu horaysa ee suuragal ah
 

Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlayay shacabka Oodwayne, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu qabto doorashada madaxtooyada wakhtiga ugu horeeya ee ay suuragasho.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay qasabtahay in doorasho la qabto, oo ay dhacayso wakhtiga ugu horeeya ee ay suuragasho, isaga oo ayaan daro ku tilmaamay dhalinyaradii ku nafwayday mudaharaadada.

"Doorasho diyaar ayaan u ahay, wakhtiga ugu horaysa ee suurtogal ah oo aan hagrasho lahayn, imika waxa laysku afgaran laayahay doorasho, doorasho, dad ayaa inagag dhintay waa ayaan daro, doorasho way imanaysa oo waa qasab" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in marka hore xisbiyada iyo urrurada cusubi ay tartan galayaan, kadibna ay doorashada madaxtooyadu ku xigi doonto, isaga oo sheegay in diwaangalinta loo sameeyo doorashada urrurada lagu gali doono ta madaxweynaha.

"Imika xisbiyadii iyo urruradii ayaa ordaya, oo leh anaga horta ha nala siiyo, ta kalena way ku xigaysa, waxba ka danbayn mayso, waayo waxaynu u baahanahay diwaangalinta ku baxda ta xisbiyada in ta madaxweynaha lagu galo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in isaga iyo madaxda axsaabtu ay yihiin dad saaxiibo ah, isaga oo sheegay in uu ka xunyahay in dhalinyarada caadifadi qaado oo ay ku coloobaan talo rag saaxiibo ah ka dhaxaysa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]