3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2022
Faysal Cali Waraabe: Xasan Sheekh wuxuu hor istaagayaa xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka
 

Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo burburinta xidhiidhka bilawga ah ee Somaliland iyo Maraykanka.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Faysal ku sheegay in madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu kulan la yeeshay madaxda Wasaarada Difaaca Maraykanka, si uu uga hortago xidhiidhka bilowga ah ee Maraykanka iyo Somaliland.

"Xasan Sh. Maxamuud oo ay ahayd Inuu shirka Qaramada Midoobay ka qayb galo, waxa uu la shiraya Wasaarada Gashandhige ee Marayakanka si uu uga hortago xidhidhka uu Maraykanku la bilaabay Somaliland ee Pentagon ku hogaaminayso" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu taa badal keeda madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo isku dirka umada Somaliland "Halka Muuse Biixi uu ku hawlanyahay kala qaybinta dadka Somaliland".

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa ku sugan dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgalayo shirka Qaramada Midoobay, wuxuuna la kulmay madaxda Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/16/2022 1:01 PM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Duqii hore ee degmada Garowe Axmed Barre ayaa sharci darro ku tilmaamay go'aankii madaxweynaha Puntland uu ku kala diray golaha deegaanka ee Garowe, inkastoo uu aqbalay xil ka qaadistiisii.

9/16/2022 8:44 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlayay shacabka Oodwayne, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu qabto doorashada madaxtooyada wakhtiga ugu horeeya ee ay suuragasho.

9/16/2022 8:23 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay dadaallada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku galay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Waxayna ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada ay ku xaqiijinayaan nabadda iyo xasilloonida dalka Geeska Afrika..

9/16/2022 3:31 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Al-Shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidamada ammaanka si looga fogaado in la dilo, waxayna dowladdu wacad ku martay in ay kordhin doonto weerarada ka dhanka ah Alshabaab.

9/16/2022 3:28 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed Cumar, ayaa si rasmi ah uga qeyb galaya toddobaadka saliidda Afrika ee 2022 3-7 October, kaasoo ka dhacaya bartamaha magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

9/16/2022 2:41 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington, xoghayaha difaaca dalka Maraykanka, Lloyd James Austin.

9/16/2022 2:38 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Kornayl David Peddle oo ah sarkaal howlgab ah oo horay uga tirsanaan jiray ciidamada milateriga ee dalalka Koonfur Afrika iyo Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in kooxda Al Shabaab ay si aad ah u adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones.

9/16/2022 2:37 AM EST
Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in ay iska diwaangalinayaan xarunta Guddida Diwaangalinta Urrurada, si lamid ah urrurada cusub.