3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2022
Hanti dhowraha qaranka oo sheegay in malaayiin dollar oo dayn lagu qaatay aan la ogayn meesha ay ku dambeysay
 

Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Hanti dhowraha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warbixin sannadle ah oo ku saabsan daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee hay’addaha dowladda.

Warbixintaan oo ku salaysan sannadkii hore ee 2021, ayaa lagu sheegay qaar kamid ah hay’adaha dowladda oo magacyadooda lagu xusay warbixinta in ay fuliyeen mashaariic malaayiin dollar lagu bixiyay oo aan sidii loo baahnaa loo fulin.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in heshiis deyn ah oo ku kacay $96 million oo dollar oo laga qaatay hay’adda IMF iyo bankiga dhexe ee dalka, aan la caddayn deyntaasi. Hantidhowruhu wuxuu sheegay in deyntaan uusan barlamaanka meelmarin, isagana aan lagu soo wargalin.

Sidoo kale $16 million oo lasiiyay maamulka gobolka Banaadir, rugta ganacsiga iyo bangiga horumarinta ayuu hanti dhowruhu sheegay in aan loo marin habraaca sharciga maaliyadda dalka.

Hanti dhowraha qaranku wuxuu ku eedeeyay hay’adaha dowladda in aysan lahayn qorshaha iibka qaranka ee sanadlaha.

Wuxuu sheegay in jiraan lacago lagu shubay koontooyin ka baxsan bangiga dhexe ee dowladda iyo deeqo lacageed oo laga helay dibadda oo aan lagu darin miisaaniyadda dowladda.

Wuxuu sheegay in dhaqaale ka badan hal milyan oo wasaaradda caafimaadku loo siiyay inay ku qabato howlaha Covid19 aan loo fulin sidii laga filyay.

Wuxuu sheegay arrimahan oo idil iyo qaar kaloo ku xusan warbixinta uu soo saaray inay sabab u noqdeen in uusan wax ka saxiixin xisaab xirka maaliyadeed ee sannadkii tagay ee 2021.












Click here
11/22/2022 1:25 PM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Cadow Uul oo ka mid ah deegaanadda hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Maanta halkaasi lagu dilay Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed.

11/22/2022 10:12 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Xulka Qaranka Sacuudi Carabiya ayaa Maanta muujisay wacdaraha Koobka kubadda Cagta Aduunka oo haatan ka socda wadanka Qatar, kadib guul taariiqi ah oo Maanta Caalamka oo idil laga hadal haayo oo ay ka gaareen Xulka Qaranka Argentina.

11/22/2022 9:22 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ku yaala xaduuda ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in daqiiqado kooban ka hor uu halkaasi ka bilawday dagaal aad xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo Ururka Al-shabaab.

11/22/2022 5:22 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta uu halkaasi dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

11/22/2022 4:38 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland.

11/22/2022 2:17 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir mid ka mid ah siyaasiyiin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sabriye oo loo yaqaanay Guuleyste.

11/22/2022 1:21 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Nin hubeysan oo katirsan Alshabaab oo gudaha u galay xero ciidan, ayaa dilay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

11/22/2022 1:14 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Madaxda TPLF ayaa mar kale ka dhawaajiyay inaysan Ciidamadoodu hubka dhigayn ilaa dammaanad buuxda oo dhinaca ammaankooda ay ka helayaan shacabka gobolka Tigray ee ay iyagu maamulaan.