4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay iskaashiga duulimaadyada labada dal
 

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaa iyo Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya, Thomas Chepkoto, ayaa wada hadal ka yeeshay xoojinta iskaashiga duulimaadka ee labada dhinac, ansixinta heshiisyada gaadiidka iyo duullimaadka iyo dib u soo celinta duulimaadyada Kenya Airways.

Wada hadalkan ayaa yimid xilli maalmihii ugu dambeeyay ay dowladda Kenya ku adkaysay dadka Soomaaliya ku sugan inay helaan Fiisaha dalkeeda, arrintaas oo keentay walaac weyn.

Labadii bilood ee la soo dhaafay, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonayay in ay u safraan Dalka Kenya ayaa waxay la kulmeen caqabado aad u weyn oo ku aadan helida dal ku galka.

Sida caadiga ah, ka hor inta aan xayiraadaha lagu soo rogin muwaadiniinta Soomaaliyeed, tirada maalmaha qaadashada fiisaha Kenya waxay ahayd 5 ilaa 7 maalmood, si kastaba ha ahaatee, waxay hadda qaadan kartaa wax ka badan bil iyada oo aan jirin wax damaanad oo xaqiijinaya in aad heli doontid, sida HOL ogaatay.

Lama oga sababta arrintaan ka dambeysa.

Bishii July ee sannadkan, dowladaha Somaaliya iyo Kenya ayaa waxay ku heshiiyeen in sida ugu dhaqsaha dadka sita baasaboorka Soomaaliya ku helaan fiisaha dal ku galka Kenya.

Waxayna wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada dal u soo jeediyeen inay ku fuliyaan qodobkan muddo laba toddobaad gudahood ah.