4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh “Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Al-shabaab"
 

Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo  dhaweeyay.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya waxaa degmada Maxaas kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Xildhibaano, masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Maxaas.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan ee uu Maanta ku gaaray degmada Maxaas ayaa la sheegay iney tahay u kuurgalida xaaladaha ka jira furimaha dagaalka lagula jiro Shabaab, maadaama Maxaas halbowle ay u tahay howlgalada lagula dagaalamayo Shabaabka ku sugan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka ku nool degmada Maxaas iyo ciidamada xoogga dalka ayaa ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo sheegay in dowladda taageero la garab taagan tahay dadka deegaanka ee go’aansaday inay iska xoreeyaan Al-shabaab.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan oo dhageystay warbixin la xiriirtay baahiyaha adeegga dowladnimada ah oo ay qabaan dadka ku nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada ayaa u balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay soo gaarsiin doonto degmada Maxaas iyo deegaanada kale ee laga saaray kooxda Al-shabaab adeega dowladnimada.

Socdaalkan uu Maanta ku tagay madaxweynaha Soomaaliya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah safaro kala duwan uu madaxweynaha ku tagi doono deegaano kala duwan oo laga saaray dagaalamayaasha Shabaab oo ku kala yaala gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.