4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2022
Serbia oo dowladda Soomaaliya ka Taageereysa amniga iyo tababarka ciidanka
 

Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo howlo shaqo u jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Serbia Ivica Dačić iyo xubno kale oo ka tirsan Gollaha Wasiiradda dalkaas oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo masuuliyiin kale.

Kulanka dhexmaray wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiiradda ka tirsan Xukuumadda Serbia ayaa diirada lagu saaray xiriirka ka dhaxeeya labada dal, sida Saaxiibtinimada, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Ganacsiga labada dal.

Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan khibrada dowladda Serbia ay u leedahay dhaqaalo abuurka, isagoona sidoo kale sheegay in dowladda Serbia ay u balan qaaday inay ka caawineyso dowladda Soomaaliya tababarka ciidamada qalabka sida, shaqaalaha dowladda iyo waliba in ciidanka loo dhisi doono Isbitaallo qalabaysan oo lagu daryeelo Caafimaadka Askarta dowladda Soomaaliya.

"Waxaan kullamo miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Ivica Dačić iyo xubno kale oo Gollaha Wasiiradda ka mid ah sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Dhaqaalaha iyo mas'uuliyiin kale. Waxaana la noo sameeyay soo dhaweyn heer sare ah oo ka turjumaysa saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dal, Dowladda Serbia ayaa balan qaaday inay naga caawiso tababarka ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowladda iyo inay ciidankeenna u dhisaan Isbitaallo qalabaysan oo lagu daryeelo ciidamadeena" ayuu yiri wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar.