Guddoonka Golaha Shacabka oo go'aan rasmi ah ka gaaray murankii Xildhibaanada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaareey
Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Guddoonka Golaha Shacabka
Baarlamaanka 11 -aad ee dalka Soomaaliya ayaa goordhaw go'aan rasmi ah kasoo
saaray murankii ka taagnaa maalmahii lasoo dhaafay sharci ahaan shiyaha
Xildhibaanadda lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey ee
gobolka ee Gedo.
Gudoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in go'aankan ay soo
saareen kadib markii ay arkeen in Xildhibaanadda lagu soo doortay Ceelwaaq ay
yihiin kuwa soo maray dhamaan habraacyadii doorashada, islamarkaana uu
taageeray doorashadaasi Raysal wasaaraha dalka oo ahaa madaxa doorashooyinka
dadban ee dalka.
Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha
Shacabka lagu sheegay in xildhibaanada sheeganaya in lagu soo doortey degmada
Garbahaarey aanay heysan Shahaadadii guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee
Heer Federaal, islamarkaana aanay doorshadooda qaban guddiga hirgalinta
Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.
Hoos ka akhriso go'aanka Golaha Shacabka:-

