19 Musharax oo Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ka mid yihiin oo Maanta khudbadahooda jeedin doona
Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee
magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo hadal jeedinta Musharaxiinta
madaxweynaha, waxaana Maanta khudbadahooda Xildhibaanada labada Aqal ka
hor jeedin doona 19 musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan
doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.
Musharaxiinta
Maanta ku qoran hadal jeedinta waxaa ka mid ah madaxweynaha mudo
xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynayaashii
hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharfiif, madaxweynaha Puntland Saciid
Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.
19-ka
Musharax ee Maanta khudbadahooda ka horjeedin doona Xildhibaanada
Baarlamaanka Soomaaliya waxay ka hadli doonaan sooyaalkooda siyaasadeed
waxyaabaha ay qabanayaan hadii la doorto iyo balanqaadyada ay sameyaan
waqtiyada ay ku jiraan tartanada doorashada.
Waxaa
xusid mudan in shalay Xildhibaanada labada aqal ay dhageysteen hadal
jeedinta 20 Musharax oo ka mid ah 39-ka musharax ee u taagan tartanka
doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya,
islamarkaana 19-ka kale Maanta ay dhageysan doonaan waxaana maalmaha
berito iyo beri dambe ay noqonayaan laba maalmood oo diyaar garoow ah.
Doorashada
tartanka madaxweynaha ayaa dhici doonta sida uu qorshuhu yahay 15-ka
bishaan May oo ku beegan maalinta Axada ah ee soo socota, waxaana ka
dhiman labada maalmood oo kaliya.