5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Faahfaahin ku saabsan weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay bar kantarool oo ku dhow garoonka Aadan Cadde

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo labo kamid ah ay yihiin Askar katirsan Ciidanka dowaldda ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay agagaarka bar laga hubiyo gaadiidka u gudba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Urur Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda warkaan, iyadoo sheegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen madax katirsan dowladda Federaalka kuwaas oo kusii jeeday Teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Alshabab waxay sheegeen in weerarkan uu ahaa weerar ismiidaamin ah oo ay kusoo beegeen xilli ciidanka ATMIS lagu wareejiyay Afisyooni iyo hareeraheeda, ammaankana si aad ah loo adkeeyay.

Weli laamaha ammaanku kama aysan hadlin qaraxaan, xilli xalay war kasoo baxay guddoonka barlamaanka lagu faray laamaha amniga ee dowladda inay ka hor tagaan weerar kaste oo Alshabab qorsheynayaan inay ka geystaan magaalada Muqdisho gudaheeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/11/2022 11:04 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay hadal jeedinta maalinta koowaad ee Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Maanta khudbadahooda ka hor jeediyay Xildhibaanada labada Aqal 20 Musharax oo mid ah 39-ka Musharax ee isku diiwaan galiyay tartanka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

5/11/2022 10:25 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Wariyaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in loo diiday Maanta iney gudaha u galaan hoolka loogu talo galay in lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay Maanta ka socotay hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee dalka.

5/11/2022 8:47 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciiddanka Booliiska Soomaaliya gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inay todobo qof ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay wadada KM4 ee lagu baaro dadka u socda garoonka Aadan Cadde.

5/11/2022 8:21 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Jaamacada Hargaysa, ayaa doqoniimo ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ay u ordaan doorashooyinka Soomaaliya.

5/11/2022 6:29 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa markale si kasoo horjeeda shakiga ay mucaaradku ka qabaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, sheegtay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo.

5/11/2022 6:24 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Shirkadda Cumar Sabriye Engineering Company oo ka shaqeysa howlaha dabka iyo badqabka korontada, ayaa shalay lagu daah-furay magaalada Muqdisho.

5/11/2022 3:22 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Dhawaqa qarax ayaa laga maqlay nawaaxiga isgoyska KM-4 gaar ahaan waddada aada garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.

5/11/2022 1:58 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka bilaabato hadal jeedinta Musharaxiinta isku diiwaan galisay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

5/11/2022 1:10 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe ayaa sameeyay magacaabistii ugu horreysay tan iyo markii loo doortay xilka guddooomiyaha barlamaanka, 28-kii Abril.

5/11/2022 1:00 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Hogagamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, si buu yiri loo hormariyo dhaqaalaha Kenya.