Qarax ka dhacay nawaaxiga isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Dhawaqa qarax ayaa laga maqlay nawaaxiga isgoyska KM-4,
gaar ahaan waddada aada garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.
Lama ogga nooca qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay, sida uu sheegay mid
kamid ah dadka goobaha ganacsiga ku leh nawaaxiga.
Ciidamada nabad-suggida iyo kuwa booliska ayaa ku sugan
bar-kontorool oo ku taalla waddada aada garoonka
diyaaraha ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku
leh Teendhada Afisiyooni ee ku taalla garoonka diyaaraha, halkaas oo 20 musharrax maanta
ay hadal-jeedin ka sameyn doonaan.
Halkan kala soco wixii kusoo kordha…
Hassan Istiila, Hiiraan Online
hassanistiila@hiiraan.com