4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Musharax Cirro: Dalku wuxuu qaaday jidkii kalidii-talisnimada
 

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in aanu diyaar u ahayn in uu qabto doorashooyinka mudaysan dabayaaqada sannadkan.

Cirro waxa uu sheegay in qudbad sannadeedkii uu madaxweyne Biixi shalay u jeediyay labada gole baarlamaan anay muujinayn in madaxweynuhu uu diyaar u yahay qabashada doorashooyinka sannadkan mudaysan.

"Waxa shacbiga iyo daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland filayeen in sicad oo aan mugdi ku jirin uu uga hadlo arrimaha doorashooyinka, si shacbigu ugu diyaar garoobo xiliga doorasho kasta qabsoomayso, oo ay ugu mudantahay uguna soo horayso doorashada madaxtooyada oo ku beegan 13, November, 2022" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu ku andacooday in Somaliland ay qaaday jidkii kalidii-talisnimada, waxaanu taageerayaasha xisbiga Waddani ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan talaabooyin uu sheegay in dib loogu soo celinayo dimuquraadiyada Somaliland.

"Dalku wuxuu qaaday jidkii digtaatooriyada (kalidii talisnimada) iyo sharci darada, taas oo horseedi karta, cawaaqib xumo aan Somaliland mahadin, dhamaan taageerayaasha xisbiga Waddani waxan u sheegayaa in ay u diyaar garoobaan talaabo kasta oo dalka dib loogu soo celinayo nidaamkii doorashooyinka," ayuu yidhi Cirro.

Cirro waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradka ahi ay iskugu iman doonaan shir deg deg ah "Axsaabta mucaaradka ahi waxay iskugu iman doonaan shir deg deg ah oo ay kaga arrinsanayaan marxalada dalku galay".

Madaxweynaha Somaliland ayaa qudbad sannadeedkiisii uu shalay u jeediyay labada gole baarlamaan, ku balan qaaday in uu dhamaan doorashooyinka mudaysan uu wakhtigooda ku qabanayo, lakin asxaabta mucaaradka ayaa ka biyo diidan in doorashada urrurada siyaasada la qabto kahor doorashada madaxtooyada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online