3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2022
Qaar kamid ah wefdigii madaxweynaha Soomaaliya u raacay Dubai oo la karantiilay
 

Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah wefdigii madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud u raacay dalka isku tagga Imaaraatka ayaa la galiyay xaalad karantiil ah, kadib markii laga helay caabuqa Corona Virus.

Arrintaan ayaa sababtay in dib loo dhigo safarka madaxweynaha uu dib ugugu laaban lahaa Soomaaliya, sida ay HOL u sheegeen ilo ku dhow madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa xaaladdiisu fiican tahay, mana laga helin xanuunka Covid19, waxaana laga yaabaa inuu maalmo kale sii jooga magaalada Dubai.

Xafiiska warfaafinta Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo xogta arrintan la xiriirta, iyada oo qeyb kamid ah baraha bulshada lagu qorayo in madaxweynaha laftiisa laga helay Covid19.

Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Dubai ayaa kusoo aadaya, xillo uu dalkaas wajahayo koror weyn oo ku saabsan faafitaanka cudurka Covid19.

Hay’addaha caafimaadka ee dalkaas ayaa maalin kasta diiwaan galiya ku dhawaad 1,500 kiis oo Coronavirus ah. Hase yeeshaa tiro yar oo dadkaas kamid ah ayaa u baahday in isbitaalada la geeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/22/2022 5:46 PM EST
Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.

6/22/2022 7:35 AM EST
Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa boqolaal ka tirsan ciidamadeeda soo dhoobtay xuduudka Soomaaliya kadib markii dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuulo ka tirsan degmada Mandheera.

6/22/2022 5:10 AM EST
Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in sare loo qaado gargaarka bini'aadinimo si looga hortago macluusha ka jirta Soomaaliya xilli qeybo ka mid ah dalka ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan aad u daran.

6/22/2022 4:18 AM EST
Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Mas’uuliyiin katirsan Galmudug iyo Puntland ayaa yeeshay kulan ay kagaga hadlayeen amniga iyo iskaashiga ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

6/22/2022 4:10 AM EST
Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Rhamu ee ismaamulka Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ay ku qaadeen degmadaasi ay ku burburiyeen xarun Isgaarsiineed oo ku taala degmadaasi.

6/22/2022 2:52 AM EST
Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo khasaare kala duwan geystay oo Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray degmada Afgooye iyo deegaanka Bariire oo ka wada tirsan gobolka Sh/hoose.

6/22/2022 2:09 AM EST
Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka hadlay xariga Mukhtaar Rooboow Mansuur ayaa ku tilmaamay go'aankii lagu xiray inuu ahaa mid sharci darro ah.