12/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Bankiga Adduunka oo $100 Milyan ugu yaboohay Soomaaliya

Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxda Bankiga Adduunka ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’addaha deymaha bixiya iyo madaxda federaalka Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya siin doona $100m 12-ka bilood ee soo socda si wax looga qabto arrimaha mudnaanta u leh dowladda, sida ay sheegtay agaasimaha Bangiga Adduunka, Ms. Kristina Svensson.

Ms. Kristina Svensson ayaa ku ammaantay madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in uu dib u habeyn ku sameeyo maaliyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdiisa ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhalinyarada, isagoo ku booriyay Bankiga Adduunka in uu gacan ka geysto casriyeynta hanaanka shaqo iyo adeeg ee dowladda federaalka.

Bangiga Adduunka ayaa horey u ansixiyay xirmo lacageed oo dhan $385m si loogu caawiyo dhibaatooyinka ka jira dowladaha Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/18/2022 4:28 PM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ku eedeeyay in uu haysto ilaalo aan ciidan ahayn.

6/18/2022 10:04 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala gobolada dalka Soomaaliya ee ku mideysan Ururka AOA, kuwaas oo warsaxafadeed kasoo saaray caqabado kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaala gobolada dalka Soomaaliya.

6/18/2022 8:07 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Dad aan haybtooda la aqoonsan ayaa dab qabadsiiyay afaafka hore ee guriga uu magaalada Hargaysa ka daganyahay, xogeeyaha guud ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

6/18/2022 6:12 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Maanta ku dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Kormeerahii guud ee Wasaaradda Waxbarashada gobolka Sh/hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

6/18/2022 5:02 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay qaar kamid ah gobollada dalka.

6/18/2022 4:17 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa si guud uga warbixiyay xaaladda galbeedka gobolka Sitti, iyo waxay salka ku hayso colaadda aan xalkeeda la helin ee Soomaalida iyo Canfarta.

6/18/2022 1:35 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay hay’addaha qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee samafalka inay faafiyeen digiin hubanti la’aan ah oo ku saabsan khatar amni oo Alshabaab la maleegayaan Garowe.

6/18/2022 12:55 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Maraakiibta Spain iyo Faransiiska ee dhawaan lagu helay iyagoo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay badweynta Hindiya ayaa lagu daray liiska madow kaddib markii Hay'ada Blue Marine ay Kashiftay Boobka ay wadeen Maraakiibta labadan waddan.

6/18/2022 12:51 AM EST
Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa go'aansatay in shacabka beeralayda ah ee degaanka Soomaalida ay ka guuraan qaabkii hore ee ay beeraha u falan jireen una guuraan qaab casri ah, iyadoo sidoo kale shacabka ku dhiirigalisay inay dhulka wax kala soo baxaan si looga kaaftoomo cuntada dibadda ka imaanaysa.