3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 17, 2022
Dagaal qaraxyo ku bilaawday oo ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud
 

Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee Saakay weerar xoogan oo qaraxyo ku bilaawday ay halkaasi ku qaadeen Al-shabaab.

Dadka deegaanka Baxdo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxyada kadib uu bilaawday dagaal xoogan oo faraha looga gubtay, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaraxyada iyo dagaalka isla socda ee Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Baxdo ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray, hayeeshee aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamada Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka inay iska caabin kala hor tageen dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Baxdo.

Waxaa aad u adag in la helo xogta rasmiga ah ee dagaalka maadama isgaarsiinta deegaanka ay hawada ka baxday intii uu dagaalka socday, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamo gurmad ah oo labada dhinac ah ay halkaasi kusii wajahan yjhiin.

Lasoco waxii kusoo kordha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
6/17/2022 12:25 PM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee gobolka Galguduud, sida naf hurnimada leh oo ay isaga difaaceen dagaalamayaasha Alshabaab oo saakay aroornimadii hore weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday deegaankaas.

6/17/2022 7:22 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Waxaa isa soo taraya marba marka ka dambeysa khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo Saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaasi.

6/17/2022 4:09 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday oo aroornimadii hore ee Saakay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

6/17/2022 2:09 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa Saakay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd mudooyinkii dambe dagaalamayaasha Al-shabaab, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

6/17/2022 1:58 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, isagoo si gaar ah uga warbixiyay xaaladihii kala duwanaa ee uu soomaray degaanku.