3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 17, 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar oo xukuumaddii hore ku sheegay mid shaqsi waxa uu habeenkii ku seexdo Aroortii sharci noqonayay

Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, isagoo si gaar ah uga warbixiyay xaaladihii kala duwanaa ee uu soomaray degaanku.

Madaxwaynuhu wuxuu xusay in markii xukuumadiisu degaanka timid ay la kulantay caqabado ay kamid ahayd, nidaamkii dowladnimo ee meesha ka jiray oo ahaa mid burbursan, maadaama sida uu sheegay Madaxwaynuhu uu degaanku xilligaa ka jiray nidaam wax walba uu hal qof gacantii ku jiray, taasina ay wakhti qaadatay sidii loo hagaajin lahaa ee loo sixi lahaa

Madaxwaynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in waxyaabo badan ay uga qabsoomeen degaanka intii uu xilka hayay, sida xuquuqul insaanka oo horey degaanku ahaa mid lagu tunto xuquuqda bani'adamka, haddase uu isbaddel ka jiro dhinacaas.

Dhinaca  Xorriyadda hadalka iyo madax banaanida saxaafadda waxa uu Madaxwaynuhu sheegay in isbaddal wayn dhinacyadaas lagu sameeyay, oo dadku hadda ay si xor ah fikiradooda u cabbirayaan, halkii markii hore mid degaanka jooga iskadaaye mid dibadda jooga uusan si xor ah fikirkiisa ugu cabbiri karin baraha ay bulshadu ku xiriirto, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwayne Mustafe cagjar.

Waxa kale oo Madaxwayne Mustafe cagjar sheegay in waxyaabaha u hirgalay intii uu xukunka qabtay ay kamid ahayd, in ururadii dagaallamayay oo ay kamid ahayd ONLF lala xaajooday oo lala fadhiistay, isla markaana iyagu ku qanceen in mabaadiidooda ay si xor ah degaanka uga fulin karaan, iyagoo xafiisyo kala duwan degaanka ka furtay.

Dhinaca Nabadgalyada oo wax walba aasaasi u ah, Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in degaanka ay hadda ka jirto Nabadgalyo ku timid rabitaan shacab, halka markii hore ay degaanka ka jirtay Nabadgalyo ku timid cabsi galin iyo argagax waa siduu hadalja u dhigay Madaxwayne Mustafe cagjar.

Ugu dambayn, Madaxwayne Mustafe cagjar waxa uu sheegay in haba yaraatee aysan jirin dad nidaam aargoosi ah ugu xiran xukuumaddiisa kuwaas oo kamid ahaa xukuumaddii isaga ka horreysay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/17/2022 12:25 PM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee gobolka Galguduud, sida naf hurnimada leh oo ay isaga difaaceen dagaalamayaasha Alshabaab oo saakay aroornimadii hore weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday deegaankaas.

6/17/2022 7:22 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Waxaa isa soo taraya marba marka ka dambeysa khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo Saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaasi.

6/17/2022 4:09 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday oo aroornimadii hore ee Saakay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

6/17/2022 2:09 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa Saakay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd mudooyinkii dambe dagaalamayaasha Al-shabaab, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

6/17/2022 2:04 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee Saakay weerar xoogan oo qaraxyo ku bilaawday ay halkaasi ku qaadeen Al-shabaab.