12/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya oo raalli galin ka bixiyay hadal uu saxaafadda ka sheegay
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa raali galin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu warbaahinta kasii daayay oo uu ku beeninayay inay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay kawada hadleen muranka webiga Nile.

Afhayeenka madaxtooyada, Cabdikariin Cali Kaar, ayaa caawa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada madaxweyne ay kawada hadleen muranka webiga Nile, ayna ku heshiiyeen in dhammaan khilaafaadka gobolka lagu dhammeeyo si wadajir ah oo nabad ah.

‘Waxaan ka cudur daaranayaa in si khaldan la ii fahmay oo aan si khaldan u soo qaatay sharraxaadkii aan ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Sisi uu ka sheegay shirkii jaraa’id ee wadajirka ahaa ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabtay Madaxtooyada Al-ltixaadiya,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada.

Afhayeenku wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ka go’an tahay inuu u ololeeyo nabadda, wada-hadallada iyo iskaashiga gobolka iyo caalamka.













Click here
7/30/2022 5:27 PM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaraka Somaliland uga digay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.

7/30/2022 12:17 PM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Diyaaradii ugu horeysay oo sida Rakaab ayaa Maanta ka degtay garoon diyaaradeed markii ugu horeysay abid laga hirgaliyay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, taasoo ka ambabaxay garoonka diyaaraaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

7/30/2022 11:03 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Wada-hadallo waqti dheer qaatay ayaa goor dhow usoo gabagaboobay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare , Xamse Cabdi Barre , sida ay HOL u sheegeen xubno ku dhow madaxtooyadda.

7/30/2022 10:43 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta Madaxtooyada maamulka Galmudug ku qaabilay Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James swan oo Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

7/30/2022 9:52 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxaned Islaam Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allah u naxariistee wasiirkii Arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo ku dhintay dalka Jarmalka.

7/30/2022 8:32 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inaysan hay’adda amniga ku faro galin gudashada waajibaadkooda shaqo.

7/30/2022 5:42 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo is kaashanaya ayaa howgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxay sheegeen iney ku dileen sideed xubnood oo ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

7/30/2022 2:50 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Sii hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, ayaa u mahad celiyay Bangiga Adduunka oo dowladda Soomaaliya u ansixiyay $100 milyan oo doolar oo kaalmo miisaaniyadeed ah.

7/30/2022 2:35 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa kasoo hadlay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al Shabaab, xilli dowladda Ethiopia ay sheegtay inay ku dishay dagaaladii shalay ka dhacay gobolka Bakool.

7/30/2022 2:32 AM EST
Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Itoobiya ayaa tabisay in Ciidamada Cirka ee Itoobiya oo qayb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab ay duqeyn ay ka gaysteen xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku dileen Saraakiil ay ku sheegeen inay kamid ahaayeen Kooxda Al Shabaab.