4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Ciidamada amniga Jubbaland oo howlgalo ka sameeyay xaafadaha Magaalada Kismaayo
 

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska iyo Kuwa Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa Xalay howlagalo waqti badan qaatay ka sameeyay xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku baarayay gaadiidka, dadweynaha iyo waliba guryaha ku yaala xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna sheegeen laamaha amniga iney gacanta kusoo dhigeen dad badan oo looga shakiyay iney qeyb ka yihiin falalka lidiga ku ah amniga magaalada Kisnaayo.

"Ciidamada Nabadsugidda iyo Booliiska Jubbaland ayaa caawa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna baaritaan xooggan ku sameynayaan guryaha iyo gaadiidka dadweynaha.Waxaan bulshada Jubbaland ugu baaqeynaa inaysan ku kadsoomin wararka lagu xagal daacinayo amniga, si hufanna ula shaqeeyaan ciidanka amniga" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali Joofane.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay ka hortagi doonaan wax walba oo keeni kara amni darro ayna sii wadayaan howgalada noocaan oo kale ah oo ay ka wadaan magaalada Kismaayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online