4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Siyaasiyiinta Beelaha Xawaadle

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo ay kaga soo horjeesteen ciidamada shalay la geeyay magaalada Baledweyne.

Yuusuf Dabageed oo shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada magaalada Baledweyne ayaa ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha iyo siyaasiyiinta kale ee Beelaha Xawaadle inuu ahaa mid ay ku raadsanayaan kuraas, isagoona sheegay in mudadii ay xilka hayeen ineysan marnaba wax horumar ah kusoo kordhin beelaha ay matalaan.

"Niman siyaasiyiin isku sheegaya oo shalay ka hadlay Muqdisho, sida aan ka warqabana u tagay Ra’iisul Wasaaraha waxay ka hadlayeen ciidanka dowladda Soomaaliya u soo dirtay HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan caasimadiisa Baledweyne, waxaa nasiib darro ah in aad tiraahdo dad aan metala oo kasoo jeeda, haddana dantaada oo keliya masiirka ku ekeeyso waa nasiib darro, Waxay kasoo jeedaan qabiilka la yiraahdo Xawaadle, oo waa yahay qabiilada Hiiraan dega laakiin reer Hiiraan oo dhan ma aha. Xawaadle wax siyaasadeed waa taban karaa laakiin waxa siyaasadeed ee tabanaya maxay yihiin ayey yihiin, kuwii shalay talo xumadooda ku lumiyay inay maanta uga sii daraan oo cadowgii oo dilaya dowladda ka bad baadinaysa ay yiraahdan dowladda wax kale ayay ka shaqeynaysa aad ayey nasiib darro u tahay ” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxuu intaasi ku daray in ciidamada Haramcad iyo Gorgor ee Baledweyne la geeyay in ay ka shaqeyn doonaan amaanka guud ee magaalada oo aysan aheyn qorshaha in lagu boobo kuraasta Golaha Shacabka.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa ugu baaqay Raysal wasaaraha Soomaaliya inuu ka fiirsado talaabada uu ka qaadanayo xiisada ka taagan Baledweyne, islamarkaana uu arrimaha gobolka Hiiraan wax ka weydiiyo isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle.

Shirkaan jaraa'id ee uu maanta qabtay Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili Siyaasiyiinta Beelaha Xawaaadle ay si weyn uga soo horjeesteen ciidamo ka tirsan Haramcad iyo Gorgor oo shalay la geeyay magaalada Baledweyne oo ay ku sheegeen in lagu doonayo in lagu boobo kuraasta doorashadooda taalo magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online