4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Itoobiya oo safiir buuxa u magacowday Somaliland

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Dowlada Itoobiya ayaa wakiilkeedii Somaliland u joogay Amb Siciid Maxamed Jibriil u dalacsiisay safiir buuxa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee safiir buuxa u magacaaba Somaliland, safiir Jibriil ayaa markii hore  Somaliland ku joogay heer qunsulnimo, iyadoo xafiiska Itoobiya ee Somaliland-na uu sidookale ahaa qunsuliyad, laakin hada taas ayaa is badalaysa.

Amb Jibriil ayaa hada wixii ka danbeeya qaadanaya mansabka "Safiir", wuxuuna noqonayaa safiirka Somaliland u jooga dowlada Itoobiya.

Inkasta oo ay Somaliland joogaan wakiilo kala duwan oo ay somaliland usoo magacaabeen dowlado kala duwan, hadana hore uma dhicin in dowlad-na ku dhiirato inay safiir buuxa u magacowdo Somaliland.

Dowlada Abiye Ahmed ayay dad badani aaminsanaayeen in ay hoos u dhigtay xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya, hadaba safarkii ugu danbeeyay ee madaxweyne Biixi ku tagay Addisababa ayuu ka muuqday isbadalkii ugu horeeyay marka la eego hab maamuuska lagu qaabilay Biixi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]